1.Store Online-ka: Ka fur storekaga internetka dhexdiisa alaabta ku iibi sida dharka, kabaha, weelasha, alaabaha guryaha, sharaxaadaha electronicga iwm
2. Adeega La-talinta: Haddii aad khibrad u leedahay maamulka, suuqgeynta, ama dhaqaalaha, waxaad bixin kartaa adeegyo la-talin ama courses video oo iib ah.
3. Cunto Karinta iyo Keenista: Haddii aad jeceshahay karinta, waxaad bilaabi kartaa adeeg cunto karis ah ama keenista cuntooyinka caafimaadka leh.
4. Tababar Online ah: Samee koorsooyin online ah oo ku saabsan xirfadaha aad taqaanid, sida luqadaha, barnaamijyada kombiyuutarka, ama farshaxanka iwm.
5. Agabka Caafimaadka: Iibso alaabada caafimaadka sida vitamin-yada, agabka jimicsiga, ama qalabka caafimaadka.
6. Xirfadaha Farsamada ah: Haddii aad leedahay xirfado farsamo, waxaad bixin kartaa adeegyo dayactir ama rakibida qalabka guryaha sida sariiraha, kabadhada, laydhka, alaabta suuliyada, setupka tvga ama computerka iwm.
7. Blogging ama Vlogging: Haddii aad jeceshahay qoraalka ama muuqaalka, samee blog ama channel YouTube oo ku saabsan mowduucyada aad xiisaynayso.
8. Alaabaha Guryaha: Soo saar ama iibso alaabada guryaha ee deegaankaaga, sida dhirta, alaabta qurxinta, ama qalabka guryaha.
9. Adeegyada Dhismaha: Haddii aad leedahay khibrad dhisme, waxaad bixin kartaa adeegyo dhisme ama dayactir.
10. Latalinta{mentor}, waxa muhiim ah waayadan danbe waxa looyaqaano mentorka ama lataliyaha khaska ah
run ahaantii waa wax qofkasta oo ganacsade ah uu u baahanyahay lagama maarmaana ah wakhtigan lajoogo hada, ganacsi kasta oo guulaystayna waxa qaybka ah lataliyayaal khibrad uleh waxa ay kala talinayaan ganacsadaha ama companyga
Fikradahan waxay ku xiran yihiin rabitaankaga, xirfadahaaga, iyo suuqa aad ku nooshahay. Ka fiirso waxa kuu sahlan iyo waxa dadka deegaankaaga ay u baahan yihiin!
markasta waa muhiin deegaanka inagu xeeran.
0 Comments