"Forex" waa eray kooban oo laga soo gaabiyey
"foreign exchange," kaasoo macnihiisu yahay suuqa lagu kala iibsado
lacagaha qalaad ee kala duwan. Suuqa forex waa midka ugu weyn aduunka ee ku
saabsan ganacsiga lacagaha, waxaana lagu kala iibsadaa lacagaha dalalka kala
duwan sida,
1.USD[USA]
2.GBP[ENGLAN]
3.EUR[EUROPIAN]
4.AUD[AUSTRALIA DOLLAR]
5.CAD[CANADIAN DOLLAR]
6.JPY[JAPANESE YEN]
7.NZD[NEW SEALAND DOLLAR]
8.CHF[SWIS FRANCE]
Waana 8da lacagood ee ugu awooda wayn islamarkana isku dhafan oo is raaca.
Islamarkaana waxaa dhexmara maalinkasta suuqan lacag cadadkeedu gaadho ilaa 7.5 trillion
Ganacsatada forex waxay faa'iido ka helaan marka ay qiimaha lacagaha ay kala baddalanayaan uu kordho ama yaraado, taas oo ku saleysan isbeddelada dhaqaale ee dalalka iyo arrimo kale oo saameeya qiimaha lacagaha.
Forex waxaa laga ganacsan karaa hab online ah, waxaana lagu
isticmaalaa qalab kala duwan oo caalami ah. Ganacsatada waxay isticmaalaan
istaraatijiyado kala duwan si ay u saadaaliyaan isbeddelka qiimaha lacagaha si ay
faa'iido u helaan.
Si aad u bilowdo Forex oo aad uga mid noqoto ganacsatada
guulaysta, waxaa muhiim ah inaad yeesho faham aasaasi ah oo ku saabsan suuqa,
qorshe cad, iyo inaad qaadato tallaabooyin taxaddar leh. xagan waxaan ku qoray
dhowr tusmo oo muhiim ah:
1.Barashada Aasaaska Forex
2.Ka Fikir Istaraatiijiyadda Ganacsi
3.Adeegsiga Koontada Demo
4.Maamulida Khatarta
5.Doorashada Broker-ka
6.Kobcinta Aqoon iyo Khibrad Joogto ah
Taariikhda Forex
Taariikhda forex ama suuqa sarrifka lacagaha qalaad waa mid soo
jireen ah oo asalkeedu yahay wakhtiyadii hore, laakiin waxay qaab rasmi ah u
qaadatay qarnigii 20aad, gaar ahaan ka dib dagaalkii labaad ee dunida.
Qaar ka mid ah taariikhaha
muhiimka ah ee forex waxaa ka mid ah:
Qarnigii 19aad iyo bilowgii 20aad:
Qarnigii 19aad: Sarifka lacagaha qalaad wuxuu si gooni ah uga jiray waddamada qaar, laakiin waxay u badnayd inay ku xirnaato heshiisyo u dhexeeya bangiyada dawliga ah.
1944 - Heshiiskii Bretton Woods: Waxaa la aasaasay nidaamka
Bretton Woods, kaasoo adkeeyay sarrifka lacagaha iyadoo doolarka Mareykanku uu
noqday lacagta dhexe ee caalamiga ah ee lagu qiimeeyo lacagaha kale.
1971 - Bur-burkii nidaamkii Bretton Woods
Mareykanka wuxuu doortay inuu ka baxo nidaamka Bretton
Woods, taas oo meesha ka saartay xariiqihii dahabka ee doolarka Mareykanka ku
xirnaa. Taas waxay keentay in lacagaha caalamiga ah ay xor ka noqdaan oo lagu
kala iibsado qiimo isu beddelka.
1970-meeyadii ilaa 1990-meeyadii - Koritaanka suuqa Forex:
Suuqa forex wuxuu bilaabay inuu noqdo mid rasmi ah oo
nidaamsan, iyadoo qiimaha lacaguhu bilaabeen inay ku kala beddelaan qaab xor
ah.
Waxaa la sameeyay aalado cusub iyo nidaamyo casri ah oo
suuqa si wayn u fududeeyay.
1990-meeyadii ilaa maanta - Forex-ka casriga ah iyo
internetka:
1996: Bixiyeyaasha internet-ka waxay bilaabeen inay
suurtageliyaan in dadwaynaha caadiga ahi ay ku ganacsadaan forex, taasoo kor u
qaaday suuqa.
Maanta: Suuqa forex wuxuu noqday midka ugu weyn dunida, iyadoo
ganacsiyo dhan in ka badan 7.5tiriliyan
oo doolar ay maalin walba ka socdaan.
Forex waa suuq furan oo isbedbeddel badan, waxaana lagu
yaqaannaa inuu yahay mid ay ganacsatadu si fudud ugu heli karaan, oo
isbedbeddelka qiimaha lacaguhuna uu yahay mid joogto ah.
2 Comments
Inteen ka heli karaa wllka
ReplyDeleteMaxayna
ReplyDelete