BITCOIN oo hada jabisay derbigii 70ka weliba waxay ku dhawaatay inay samaysato meeshii ugu sareysay
Hadaan fiirino meeshii ugu sareysay ee ay gaadhay markan markii kahoreysay waxay gaadhay 73,750.07 waxayna ahayd taariikhdu markay ahayd march 14,2024 waana 8biloodkahor.
isla hada oo ay ku dhawaatay waxyar ayaa uga hadhanayd inay gaadho marlabaad waxayna gaadhay hada ama ay kasoo noqotay 73,600 waxaana lafilayaa inay gaadho bitcointu 85,000 ilaa 100,000 iyo inkabadan ilaa 150,000 waxaana lagu taxliilinayaa inayku gaadho taariikh ahaan ilaa 2025,Waxaa bilaabma waxa looyaqaano post Halving.
waa maxay post halving?
Post halving: waa dhacdo dhacda 4tii sanaba mar waxaa ladhahaa bolog, bologana waxaa laga helaa bitcoin, tiihorena marwalba waa ay kayartahay, waxaa kaloo saamayn kuleh suuqan doorashada maraykanka oo maalmo kooban ay kahadhay donald trump waxaa la aaminsanyahay in haduu soobaxo ama uu guulaysto uu suuqu kor aadi doono isla markaana 100k ay dhaafi doonto waa sida la saadaalinayo.
Sidoo kalena gabadha, Donald trump latartamaysa ee lagu magacaabo, kamala harris hadii ay guulaysato waxaa lafilayaa inuu suuqu hoos aadi doono Cryptocurrencygu gaar ahaan Bitcointa.
Bisha danbe waxaa lafilayaa inaydhacdo doorashada dalka maraykanka Donald trump iyo kamala harris baana run ahaantii doorashada kutartamaya laakiin dadka cryptada waxaa ay rajaynayaan inuu Donald trump uu ku guulaysto doorashada waayo isaga iyo xisbigiisu waxay aad utaageeraan cryptada.
Waxaana la aaminsanyahay donald trump haduu ku guulaysto doorashada inay aad udhaqaaqi doonto suuqa cryptadu gaar ahaan coinka loo yaqaano BTCda.
Gunaanad
Haddaba akhriste adiga maxay kulatahay saadaashani may
rumoobi mise waa iska mala awaal, run ahaantii waa wax ay saadaaliyeen
khuburada ku xeeldheer arimahaas iyaga oo kusalaynaya waxyaabaha dunida
kadhacaya iyo aragtidooda taasoo runna noqonkarta beena noqonkarta inkastoo aad
moodo Alleh kasokow in dad gaar ahi marba dhinac u jaheynayaan dhaqaalaha
aduunka, laakiin tani wayka duwantahay oo waa ay ka madax banaantahay.
0 Comments