Si aad u maareyso wakhtigaaga si fudud, waxaa jira tallaabooyin iyo farsamooyin kala duwan oo kaa caawin kara inaad qorsheysato hawlahaaga, kordhiso wax soosaarkaaga, iyo inaad ka fogaato dib u dhigashada, hoos waxaa ku qoran qaar ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee maaraynta waqtiga.
1. Qorshaynta:
Dejiso hadafyo cad: Ujeeddooyinkaaga waa inay noqdaan kuwo gaar ah, la cabbiri karo, la gaadhi karo, khuseeyana noloshaada, oo wakhtiga ku xiran.waa inaad sifiican hawlahaaga u qorshaysataa,waxay kaa caawinaysaa inay hawshu kuu fududaato.
2. Mudnaan Siinta:
kala hormari hawlahaaga: Isticmaal habab sida (Time Management Matrix) si aad u kala saarto hawlaha muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn. Taasi waxa ay inaga caawinaysaa inaan xooga saarno shaqadeena.
3. Samee Jadwal Maalinle Ah:
Ku dhegso jadwalkaaga: Qor jadwal maalinle ah oo aad ku qoondeyso wakhtiyo gaar ah hawlaha kala duwan. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican u maareyso wakhtigaaga oo aad ka fogaato mashquulka aan loo baahnayn.
4. Isticmaal Farsamooyinka Wax soosaarka:
Pomodoro Technique: Qaybso wakhtigaaga hawlaha yaryar; tusaale ahaan, 25 daqiiqo oo shaqo ah kadibna nasasho 5 daqiiqo ah, isla markaana waxay inaga caawinaysaa inaan awooda saarno wax soosaarkeena kadibna nasasho aan qaadano 5 daqiiqo ah.
5. Ka Fogoow Multitasking(hawlo badan)
Diiradda saar hal hawl mar kasta: Multitasking wuxuu hoos u dhigaa waxtarkaaga, isku day inaad diiradda saarto hal hawl mar kasta si aad u kordhiso hufnaanta shaqadaada.
6. Kordhi Wakhtiga Naftaada:
Samee wakhti firaaqo ah: Maareynta wakhtiga wanaagsan waxay kuu oggolaaneysaa inaad xadido wakhtiga shaqadaada, taasoo kuu oggolaaneysa inaad hesho wakhti dheeri ah oo aad ku raaxaysato ama ku daryeesho naftaada iyo qoyskaaga.
7. Iska Jir Dib-u-dhigista:
Ka fogow dib-u-dhigista: Dib-u-dhigistu waxay lumisaa wakhti qiimo leh, marka hore shaqooyinkaga muhiimka ah qabso kadibna waxyaabaha kale ukaalay.
8. Isticmaal Qalabka Maareynta Wakhtiga:
Qalab digital: Isticmaal kalandarka dijitaalka ah ama liisaska hawsha si aad u qorsheyso hawlahaaga iyo xasuusinta taariikhaha muhiimka ah, Anigu waxaan isticmaala reminder callender iyo notion oo aan waxku qortaa ee adigu akhriste maxaad isticmaashaa.
Gunaanad:
Marka la soo koobo, maaraynta wakhtiga waa hab muhiim ah oo lagu hagaajinayo wax soosaarka iyo tayada nolosheena, adigoo raacaya talooyinkan, waxaad ka dhigi kartaa wakhtigaaga mid waxtar leh oo aad ka fogaataa luminta daqiiqadaha qiimaha leh.
1 Comments
Macaan
ReplyDelete