Affiliate marketing waa hab suuqgeyn oo ku saleysan waxqabadka, kaas oo qofka affiliate-ka ah (sida blogger ama influencer) uu lacag ka helayo isagoo kor u qaadaya alaab ama adeeg ay bixiso shirkad kale. Qofka affiliate-ka ah wuxuu isticmaalaa xiriiriyeyaasha gaarka ah si uu u hogaamiyo macaamiisha bogga ama dukaanka khadka tooska ah, waxaana la siiya komishan markii macaamilku iibsado alaabta ama adeegga.
Sida Affiliate Marketing u Shaqeeyo:
Habka affiliate marketing wuxuu ka kooban yahay saddex dhinac:
Affiliate: Qofka ama ganacsiga kor u qaadaya alaabta.
Shirkadda Affiliate: Shirkadda bixisa alaabta ama adeegga, taas oo bixisa komishanka.
Macaamiisha: Dadka isticmaala xiriiriyeyaasha affiliate-ka si ay u iibsadaan alaabta.
Marka affiliate-ku uu soo bandhigo xiriiriyaha, haddii macaamilku gujiyo oo uu iibsado alaabta, affiliate-ku wuxuu helayaa komishan. Komishankaasi wuxuu noqon karaa boqolkiiba qiimaha alaabta ama lacag go'an.
Noocyada Affiliate Marketing
Affiliate marketing waxaa loo qaybin karaa noocyo kala duwan:
Unattached Affiliate Marketing: Affiliate-ku ma haysto xiriir gaar ah oo la leh alaabta ama adeegga uu kor u qaadayo. Waxay ku tiirsan yihiin xayeysiinta guud iyo PPC (Pay Per Click).
Related Affiliate Marketing: Affiliate-ku wuxuu leeyahay xiriir la leh alaabta, wuxuuna ku tiirsan yahay dhagaystayaashiisa. Tusaale ahaan, blogger ka hadlaya alaabada qurxinta ayaa ku habboon in uu kor u qaado alaabadaas.
Involved Affiliate Marketing: Affiliate-ku wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa shirkadda iyo macaamiisha, isagoo ka qaybqaadanaya hawlaha suuqgeynta iyo iibinta.
Faa'iidooyinka Affiliate Marketing
Fursad Lacageed: Affiliate marketing waxay dadka siisaa fursad ay lacag ku kasbadaan iyaga oo aan u baahnayn in ay abuuraan alaabtooda gaarka ah.
Kharash Yar: Maadaama aanad u baahnayn inaad maalgeliso badeecooyin, kharashka bilowga ah waa mid hooseeya.
Fududeynta Isticmaalka: Ku bilowga affiliate marketing waa sahlan yahay; waxaad u baahan tahay kaliya inaad haysato meel aad ku soo bandhigto alaabaha (sida blog ama baraha bulshada).
Sidee Loo Bilaabaa Affiliate Marketing?
Raadi badeeco aad jeceshahay.
Ka raadi barnaamij affiliate ah oo la xiriira badeecadaas.
Isdiiwaangeli barnaamijka oo hel xiriiriyahaaga(link) gaarka ah.
Ku faafi xiriiriyahaaga(linkgaaga) boggaaga ama baraha bulshada.
La soco waxqabadkaaga oo hagaaji istaraatiijiyadaada si aad u kordhiso dakhligaaga.
Affiliate marketing waxay noqotay mid caan ah maadaama ay suurtogal ka dhigeyso in qof walba uu lacag kasbado iyada oo aan loo baahnayn in uu noqdo ganacsade dhab ah. Tani waxay ka dhigan tahay in qof kastaa uu ka faa'iideysan karo fursadaha internetka ee suuqgeynta.
0 Comments