Graphic design waa farshaxan iyo farsamo loo isticmaalo in lagu abuuro, lagu habeeyo, laguna soo bandhigo waxyaabaha muuqaalka ah si loo gudbiyo fariin ama fikrad, Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo macluumaad, lagu sameeyo isgaarsiin waxtar leh, iyo in la kiciyo dareenka dadka.
Taariikhda Graphic Design: waxay leedahay taariikh dheer oo ka bilaabmaysa wakhtiyadii hore, iyadoo tusaalooyin ka mid ah laga helayo farshaxanka qadiimiga ah iyo qoraallada qadiimiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, magaca "graphic design" wuxuu markii ugu horreysay soo baxay sanadkii 1922 markii William A. Dwiggins uu isticmaalay si uu u qeexo xirfadda cusub ee naqshadeynta muuqaalka.
Markii la gaaray qarnigii 15-aad, daabacaadda ayaa si weyn u korodhay, taasoo keentay in naqshadeynta muuqaalka ay noqoto xirfad gaar ah oo si toos ah ula xiriirta xayeysiinta iyo suuq-geynta. Tani waxay dhalisay baahi weyn oo loogu talagalay naqshadeeyayaasha khibradda leh, gaar ahaan maadaama tiknoolajiyada cusub ay sii kordheyso.
Ujeedada Graphic Design: Ujeedada ugu weyn ee graphic design waa in la fududeeyo isgaarsiinta. Naqshadeeyayaasha waxay isticmaalaan farshaxan iyo xirfado farsamo si ay u abuuraan naqshado muujinaya fikrado, macluumaad, iyo dareenno, waxaa kamid ah shaqooyinka uu graphic design ku qabto kuwan hoos kuxusan.
1.Naqshadeynta summadaha (logos)
2.Naqshadeynta baakadaha (box)
3.Naqshadeynta bogagga internetka (wbesites)
4.Naqshadeynta wargeysyada iyo buugaagta
5.Naqshadeynta xayeysiisyada
Naqshadeeyayaasha waxay sidoo kale ka shaqeeyaan abuurista naqshado ka tarjumaya aqoonsiga muuqaalka ee shirkadaha iyo ururada, taasoo muhiim u ah dhisidda sumcadda iyo kalsoonida macaamiisha.
Noocyada Graphic Design, waxaa loo qaybiyaa noocyo badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah:
Naqshadeynta Aqoonsiga Muuqaalka: Waxay diiradda saartaa abuurista astaamaha muuqaalka ee shirkadaha.
Naqshadeynta Interface-ka Isticmaalaha (UI): Waxay diiradda saartaa naqshadaynta meelaha isticmaalaha ee software-yada.
Naqshadeynta Daabacaadda: Waxay ku lug leedahay naqshadaynta buugaagta, joornaalada, iyo wargeysyada.
Naqshadeynta Baakadaha: Waxay muhiim u tahay soo jiidashada alaabta.
Naqshadeynta Muuqaallada Dhaqdhaqaaqa: Waxay ka kooban tahay animation iyo muuqaalada kale ee dhaqdhaqaaqa.
Graphic design waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka casriga ah, waxaana loo isticmaalaa in lagu muujiyo fikrado, lagu dhiso sumcad, iyo in la fududeeyo isgaarsiin waxtar leh oo dhex marta dadka iyo shirkadaha.
0 Comments