bangiyada iyo dawlahada oo tartan ugu jira cryptocurrency.
wallee waa yaab sanado kahorna waa ay dacaayadaynjireen hadana tartan iyo kala urursi ayaa kadhacay.
Bangiga aduunka iyo hay'ada intranational meletary fund waxay isku dayeen sanado aad ubadan inay dalalka iyo shakhsiyaadkaba ay kucadaadiyaan isticmaal la'aanta waxa loo yaqaano cryptocurrencyga
taasoo ay uga jeedeen inaysan garanaynin meesha ay lacaguhu kudanbaynkaraan iyo hanaanka wax isbedel ee ku imaankara qiimaha suuqyada.
sidookalena taajiriinta waaweyn ee hay'ada AMF ayaa doonaysay marwalba in lacagaha aduunka gaar ahaan lacagta doolarka ay noqoto mid simaxali ah loo ilaaliyo iyo sidookale mid ay dadka qaarkood ay u isticmaalaan sidabiici ah.
Hasayeeshe arintu sidaas wayka duwantahay hada waxaanay umuuqataa in jawikale oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo tartan layaableh dunidu ay gashay hada, loona gudbi doono hanaan kaduwan kiihore ee wax lagukala macaashi jiray.
waa marxalad kale oo ay ka gudubtay cryptocurrency waxayna hada umuuqataa inay noqotay kin of money amase waxa looyaqaano asset oo noqonkarta hanti maguurto ah sida ay wararka qaarkood sheegayaan.
Madaxwaynaha ladoortay ee dalka maraykanka ayaa kutilmaamay in dhaqaalaha aduunka oodhan ay kaantaroolidoonto bitcoin.
kaasoo uu sheegay inay markale xaqiijinayso hanaan dhinaca heersare ah oo madax banaani dhaqaale siinaysa dad aad ubadan oo aan doonaynin xogtooda oodhan inay gacanta kudhigin bangiyadu.
Bitcoin markale ayay xaqiijisay inaytahay hantida ugu wanaagsan ee qarnigan hada lajoogo
waxayna kun jibaartay 10kii sano ee udanbaysay faaiidadeeda waxaana lagu tilmaamay inuuyahay hanaanka ugu weyn
madaxwaynaha maraykanka donald trump ayaa sheegay inuu markale doonayo inuu hoosta kaxariiqo qorshe aad uballaadhan oo loogu samaynayo wuxuu ugu yeedhay in dalka maraykanku yeesho dahab kaliya maahee inay sameeyaan kayd dhaqaale oo aad u wayn oo bitcoin ah
wuxuuna sameeyey aragti uu ku tilmaamay inay noqondoonto bitcoin kayd istiraatiiji ah, wuxuuna sheegay inay tani tahay hanaanka ugu wanaagsan ee dhaqaalaha dalka maraykanka lagu ilaalin doono
wuxuuna kadigayaa hadii aysan maraykanku horaan qaadin tartanka noocan oo kale ah inay jiri doonaan wadamo badan oo soo qooraansada oo marka ugu danbaysana kubeec jabiya lacagta dollarka ah oo dhulka kujiida.
Wuxuu si gaar ah ubeegsaday dalka shiinaha oo uu sheegay inay cadow kuyihiin dhaqaalaha dalka maraykanka, wuxuuna sheegay iyagoo ka faaiidaysanaya inay si aad uxoogan ay dhulka ugu jiidi doonaan dhaqaalaha maraykankana ay ku burburindoonaan lacagta bitcointa hadaynaan maalgashan.
Markii uu hadalkaasi yidhiba donald trump ayay cirka isku shareertay bitcoin oo ay 100k kasaramartay oo ay gaadhay 107000k oo dollar halkii bitcoinba, waxayna taasi kadhigtay inuu qiimuhu abit halkii ugu saraysay tago sida wararka qaarkood sheegayaan.
Bitcoin hada waxay maraysaa hanaankii ugu saraysay caalamka oodhan, waxaana lasheegay in sanadkii 2007dii ilaa 2008 marka ay dunida oodhan ay kadhacday waxa loo yaqano (the global financial crisis)
in bitcoin dad badani ay doorbideen inay noqonkarto meesha lagu gabankaro.
Laakiin waagaa dadkii maalgashaday waxay ku tilmaameen inay dagdageen, hasayeeshee mardanbe ayay ogaadeen inay saxsanaayeen , dadkaas oo wakhti xaadirkan millonaire ah, taaso lagu magacaabay dahabka dhijitalka.
0 Comments